Sawiro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay Ciidamo ka duwan kuwii hore oo qaban doono shaqo cusub !

by Bahda Xiiso Online | Monday, Feb 13, 2017 | 388 views

Ururka Al-shabaab ayaa Ciidamo cusub ku soo bandhigtay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan.

Ciidankan cusub ayey Al-shabaab ku sheegeen in ay ku biirayaan Ciidanka xumaan reebista iyo wanaag farista Al-shabaab oo horay u jiray.

Ciidamkan waxaa ay ku lebbisanyihiin Dhar gaar ah,waxaana ay ka mid noqonayaan Ciidamada Al-shabaab ee Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya.

Gobolka Jubbada dhexe waa Gobolka kaliya ee ay Al-shabaab dhamaantiis maamulaan, waxaa ay sidoo kale ka taliyaan qeybo ka mid ah Gobollada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Ciidamo ka duwan kuwii hore oo qaban doono shaqo cusub

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.