Guddoomiye Cirro oo sheegay in shalay wixii baarlamaanka ka dhacay uu sharci-darro ahaa: Video

by Bahda Xiiso Online | Monday, Feb 13, 2017 | 176 views

Iyadoo shalay uu baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa uu si juu-juub ah uu ku ansixiyay heshiis lagu sheegay in ay wada-gaareen dowladda Imaaraadka iyo maamulka Somaliland kaas oo dhigaya in ciidanka ka socda dalkaasi la geeyo magaalada Berbera, saldhig 70 kilomitir ku fadhiyana la siiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Cirro oo isana goob-joog ahaa markii la ansixinayay heshiiskaasi, islamarkanaa indhihiisa ku arkay falalkii gacan ka hadalka ahaa ee lagula kacay xildhibaanadii diidanaa heshiiskaasi ayaa si weyn uga hor yimid ansixinta heshiiskaasi, waxaana uu cambaareeyay falalkii lagula kacay xildhibaanada.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in wixii shalay ka dhacay baarlamaanka Somaliland uu ahaa sharci-darro, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu bur-buriyay ictiraaf-raadintii Somaliland.

HALKAN KA DAAWO HADALKA GUDDOOMIYAHA
Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo sheegay in shalay wixii baarlamaanka ka dhacay uu sharci-darro ahaa

Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in wixii la horkeenay shalay baarlamaanka uu ahaa waraaqo xayeysiis ah oo afsoomaali ku qoran islamarkaana uusan aheyn heshiis ay kala saxiixdeen labo dal.

Xildhibaanno kor u dhaafaya ilaa toban oo qaarkood waayeelo ahaa ayaa shalay lagu jir-dilay gudaha baarlamaanka Somaliland halkaas oo lagu ansixiyay heshiiska maleteri ee Imaaraadka iyo Somaliland.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.