Madaxweyne Farmaajo oo shir Jaraa’id qabtay, wixii uu ka hadley iyo baaqii shacabka

by Bahda Xiiso Online | Friday, Feb 10, 2017 | 454 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay hoteelka uu degan yahay isagoo fariin udiray shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si deg deg ah uga laabtaan xaafadahooda oo ay joojiyaan isku soo baxyada ay ka dhigayaan magaalooyinka dalka.

“Waad Mahadsan tihiin, waa ii dabaal degteen, xildhibaanadana waa idin maqleen”ayuu yiri Farmaajo oo la hadlayay shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira iyo sida loogu baahan yahay in gar gaar deg deg ah loo fidiyo dadkaas dhibtoonaya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale madaxweynaha cusub ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allah ha unaxariistee Marxuum Cadde Muuse oo soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland.

Waa Fariintii ugu horeysay ee uu maqal iyo muuqaal usoo gaarsiiyo shacabka madaxweynaha umadda Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.