Ma runbaa in Madaxweyne Farmaajo uu diiday in ammaankiisa ay sugaan Amison?

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Feb 9, 2017 | 1141 views

Waxaa saacdihii ugu danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday inay amnigiisa ilaaliyaan ciidamada AMISOM.

Xogta ayaa sheegeysa in markii la dhaaryay madaxweyne Farmaajo xalay ay is arkeen madaxweynaha hore Xasan Sheekh iyo taliyeyaasha ciidamada oo ay ku jiraan kuwa AMISOM, lagana hadlay halka la dejinayo Farmaajo iyo xaaladda ammaanka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu soo jeediyay in la dejiyo xarunta Xalane ee AMISOM arrimo ammaan dartood iyo magaalada oo muddo olole ku jirtay, isla markaana welwel dhinaca ammaanka ah uu jiro.

Dood kadib ayuu madaxweyne Farmaajo dalbaday in la dajiyo Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ku dhow garoonka, isla markaana ay ammaankiisa ilaaliyaan ciidamada NISA iyo kuwa Milateriga ee Danab, iyadoo ciidamada AMISOM ay dhinac kore ka ilaalinayaana hotelka, arrintaas oo la isla qaatay.

Ciidamada AMISOM ayaa shaqadooda waxaa ka mida inay ilaaliyaan ammaanka madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, sida madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.