Feeryahan bilaabay in uu ururiyo lacagtii dhakhtarka lagu dhigi lahaa nin la feertamaya

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Feb 9, 2017 | 254 views

Feeryahan qosol badan oo reer Cuba ah islamarkaana lagu magacaabo Yoel Romero ayaa baraha bulshada sida Facebook-ga iyo twitter-ka ka bilaabay lacag ururin uu ku sheegay in dhakhtarka lagu dhigi doono nin la feertamayo bisha May ee sanadkan oo isna lagu magacaabo Michael Bisping.

Yoel Romero ayaa sheegay in Michael Bisping uu u baahan doono isbitaal kaddib markii ay feertamaan labadooda, waxaana uu intaasi raaciyay mr. Romero in uu aad uga wel-welsan yahay arrintaasi maadaama uu Micheal caruur iyo qoys leeyahay.

Feeryahan bilaabay in uu ururiyo lacagtii dhakhtarka lagu dhigi lahaa nin la feertamaya

Taageerayaashiisa baraha bulshada ayuu ugu baaqay in ay iska soo ururiyaan lacago lagu dabiibi doono Micheal oo uu hubo in uu u baahan doono.

Waxaa uu ku wargeliyay taageerayaashiisa in ruux walba uu “sadaqeysto” waxa uu awoodo.

Michael Bisping ayaa kasoo jeeda dalka Ingriiska.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.