Daawo Sawirro muujinaya murugadii iyo jabkii shaley gaarey General GABRE

by Bahda Xiiso Online | Thursday, Feb 9, 2017 | 1350 views

Iyadoo ay soo socdaan dabaaldegga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baraha bulshada ku xiriirto waxa qabsaday sawir laga qaaday Jen. Gabre.

Jeneraalkan oo urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa Soomaalida u arkaan furaha faragelinta Itoobiya ku heyso Soomaaliya, waxaana sawir laga soo qaaday intii ay socotay doorashada uu muujinayaa naxdin weyn oo hareysay Jeneraalkan.

Waxaa kaloo la yaab leh nin Soomaalidu noqdeen wada FARMAAJO oo qof waliba intii awoodi kartay ay barteeda soo dhigtay sawir ay hore ula gashay madaxweynaha la doortay iyadoo ku muujineysa sida loo Farmaajeysan yahay maalmahan.

Soomaalida ayaa ku caan baxay dad caadifad iyo xamaasad miiran ah oo soo dhoweyn badan, bogaadin badan oo farxad iyo taageero xaf dhaaf ah u muujinaya qofka cusub, kadibna isu bedela dad eed badan, caay badan oo samir yar.

DAAWO SAWIRRADA GABRE EE DOORASHADII MADAXWEYNAHA

murugadii iyo jabkii shaley gaarey General GABREgabre niyad jab 1

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.