Xildhibaanada oo maanta dooranaya guddoomiyaha 4-ta sano ee soo socota..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jan 11, 2017 | 123 views

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah 10 January 2016 waxaa lagu wadaa iney doortaan guddoomiyahooda.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorahada guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo wareysi siiyey Goobjoog Newla hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka ay si habsami leh u socdaan.

Waxa uu sheegay Bayle in maanta ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, islamarkaana sidoo kale maalinta berri ah la dooran doono ku xigeennada guddoomiyaha golaha shacabka.

Waxaa xilka guddoomiyaha golaha shacabka maanta u tartami doono Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar.

 

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.