Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu eedeeyay xil Gudasho la’aan..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jan 11, 2017 | 102 views

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Socdaal ku marayaan Magaalada Baladweyne iyo qeybo kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Mudnahaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in socdaalada uu Madaxweynaha Maamulkaasi ku bixinayo Gobolka Hiiraan ay tahay mid aanu shaqadiisa ahayn balse taas bedelkeed looga fadhiyay in uu soo Magacaabo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cadow ayaa sheegay in aysan suura gal ahayn in ay isha ka fiirsadaan Hanaan  Kaligii Talisnimo u muuqda islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay ogolyihiin kaliya Heshiis iyo Nidaam.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaan weli ku guuleysan soo Magacaabista Golihiisa Wasiirada oo si weyn looga dhursugayo.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.