Guddoomiye Jawaari oo si lama filaan durba balan qaad muhiim ah u sameeyay..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jan 11, 2017 | 317 views

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la doortay Max’ed Sheikh Osmaan Jawaari oo guushiisa ka dib la hadlay xubnaha Golaha Shacabka ayaa sheegay guusha uu gaaray aaney ahan mid shakhsi ah balse ay tahay mid usoo hoyatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxu sheegay in dhex dhexaad u noqon doono Xildhibaanada Baarlamaanka,islamarkaana aanay jiri doonin cid guusha si gaar ah uga faa’ideysaneysa.

“Guushani maaha mid qof guuleystay mid kalena laga guuleystay ee waxaa guuleeystay shacabka Soomaaliyeed, codka waxaa qarsoodi looga dhigay inaan la ogaan ciddii codaysay iyo kuwii kale, waxaan dhex dhexaad u noqonayayaa dhamaan xubnaha, waxaan u hablayaynayaa ururada bushada , dhalinyarahada, hooyooyinka, siyaasiyiinta, muwaadiniinta , dhamaanta shacabka Soomaaliyeed ee naga daawanaya warbaahita”.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta si aqlabiyad ah ugu codeeyay Jawaari si afarta sano ee soo socota uu u hogaamiyo.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.