DEG DEG: Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo la doortay + cidda guuleysatey

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jan 11, 2017 | 319 views

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta dooranayay Gudoomiyaha Baralamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku tartamayeen ilaa Afar Musharax.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xaadir ahaa oo codkooda dhiibanayay Xildhibaano gaaraya 259-Xildhibaan , waxaana codadkii la dhiibtay xumaaday kaliya 2-cod sida ay sheegeen Guddiga qaban qaabada Doorashada.

Shir Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shaaciyay Natiijada Doorashada, waxa uuna sheegay in Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay 141-cod uu ku guuleestay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa Codadka u kala helay sida tan


1-Prof. Max’ed Cismaan Jawaari 141-Cod

2-C/rashiid Max’ed Xidig 97-cod

3-C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey) 17-cod

4-Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.