Maqal: Muxuu C/rashiid Xidig ka yiri Guusha Jawaari uu ka gaaray?

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jan 11, 2017 | 254 views

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo Maanta looga adkaaday tartankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu jeediyay Qudbad Kooban oo uu ku taageeray Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xiddig ayaa ugu baaqay Guddomiye jawaari in uu wax ka bedelo qorshihiisa siyaasadeed ee afartii sano ee la soo dhaafay uu ku hogaaminayay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

isagoo hoosta ka xariiqay in Xarunta Golaha Shacabka ee Maanta lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay tahay Meel gaadiidka lagu baakiman jiray waagii dowlada dhexe loona baahan yahay in Guddoomiyaha uu wax ka qabto arrintaas oo ceeb ku ah Golaha shacabka.

sidoo kale Mr Xiddig ayaa sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono jawaari Maadaama uu tartan adag dhaxe maray Micnaheeda aysan aheyn in aan lawada shaqeyn karin.

Doorashadii Maanta ka dhacaday Magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid aan cidina aysan saadaalin karin waayo Shaqsiyaadka ay u dhaxeysay oo ah rag miisaan ku dhax lahaa Xildhibaanada oo sida ay ugu codeeyeen laga dheehan karay.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.