Axmed Madoobe oo war lama filaan ka soo saaray Guusha Jawaari + (Akhri)..

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jan 11, 2017 | 363 views

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa labaad cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in shaqo wanaagsan oo dhinaca nidaamka dowliga ah ay qabteen xildhibaanada Cusub taas oo Soomaaliyada Cusub ku hagaysa wadada Dowladnimada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Aqoon leh waxbadana kala socda Siyaasada Soomaaliya hagi karana Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in sidaas si lamid ah looga baahan yahay Aqalka Sare in ay doortan dad wax gal ah oo la jaanqaadi kara Siyaasada Dalka.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.