SAWIRO: Xidigaha ugu waa weyn Kubadda cagta & siday u soo dhaweeyeen sanadka cusub 2017-ka..

by Bahda Xiiso Online | Sunday, Jan 1, 2017 | 498 views

Sanadkii 2016 ayaa xalay la sagootiyey iyadoo maanta ay dunidu la kowsanayso sanadka cusub ee 2017, haddaba qaar ka mid ah xiddigaha waa wayn kubadda cagta ayaa sawirro iyo siyaabo kala duwan ku soo dhoweeyey sanadka cusub.

Labada ciyaaryahan ee sagaalkii sano ee ugu dambeeyey wadaagayey abaal-marinta xiddiga ugu fiican Adduunka ee Ballon d’Or ee C. Ronaldo iyo L. Messi ayaa soo dhigay barahooda xiriirka bulshada sawirro ay kula jiraan qoysaskooda oo ay ku soo dhowaynayaan sanadka ee 2017.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa isagoo cagta dhaawac ka qabo oo ay u duuban tahay soo bandhigay sanadka cusub sawir uu kula dabaal dagayo saaxiibtiis Emma.

Halyeygii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard iyo xaaskiisa Christine ayaa sawir ay ku wada jiraan soo dhigay barta Instagram-ka, halka Robert Lewandowski iyo xaaskiisa Anna ay sanadka cusub sawir ay ku soo dhoweeyeen ku galeen xeebta.

1 2 3 4 5 6 7 9 10 11

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.