Ciyaaryahan Afrikan muslim ah oo qarin jiray in uu khamri cabo oo isagoo cabsan, gaarina wada la qabtay

by Bahda Xiiso Online | Tuesday, Dec 13, 2016 | 737 views

Yaya Toure oo khadka dhexe uga dheella Manchester City ayaa qirtay in uu cabsanaa, balse uusan “si ula kac ah u isticmaalin khamri”. 33 jirkan reer Ivory Coast ayaan wax dood ah ka keenin oo aqbalay in ay jirkiisa ku jireen in kabadan xaddigii la ogolaa.

Waxaa laga mamnuucay in uu gaari wado 18 bilood waxaana lagu ganaaxay in uu bixiyo 54,000 oo gini.

yaya-toure-to-real-madrid

Toure ayaa sheegay in qofkaste uu ogyahay in uu Muslim yahay oo uusan cabin khamri, uuna markaste diidi jiray in lagu abaal mariyo khamri marka uu noqdo ciyaaryahanka ugu wanaagsan ciyaarta.

Toure inkastoo uu aqbalay xukunka hadana facebook-giisa kuma uusan faahfaahinin sida khamridu ay ku gashay jirkiisa.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.