Waa maxay sababta Pep Guardiola uusan salaanta ugu qaadin Cesc Fabregas?

by Bahda Xiiso Online | Monday, Dec 5, 2016 | 622 views

Marca ayaa laga soo xigtay in dib ugu soo laabashadii Cesc Fabregas kooxda ee Barcelona xiligii uu ku sugnaa Pep Guardiola aysan ku imaan rabitaankiisa, balse ay ku timid cadaadis ay ku saareen qaar ka mid ah xidigaha ku sugan safka kooxda Barcelona sida Gerard Pique iyo Lionel Messi, iyo sidoo kale cadaadis xoogan oo kaga yimid Tito Vilanova.

Dhinaca kale sabab kale ayaa jirta ayaa la leeyahay in Pep Guardiola uu iska diido gacan qaadka Cesc Fabregas taasoo ah, dagaalkii ka dhax dhacay dhamaadkii ciyaarta kulankii Manchester City iyo Chelsea, taasoo dhalisay in isaga dartiis looga saaro ciyaarta Fernandinho.

guardiola-fabregas

Isku soo wada duubee waxaa suuragal ah in Pep Guardiola uu ka carooday arinta dambe ee ah in kaarkii casaa Fernandinho, uu sabab u ahaa Cesc Fabregas, sidoo kale Pep ayaanan salaamin xidiga reer Brazil ee Willian

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.