Jurgen Klopp oo saadaaliyay kooxda qaadeysa horyaalka Premier League

by Bahda Xiiso Online | Monday, Dec 5, 2016 | 482 views

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guul daradii lama filaanka ahayd ee caawa ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Bournemouth.

75-daqiiqo Liverpool ayaa ciyaarta ku hogaaminaysay 3-1 laakiin Bournemouth ayaa samaysay soo laabasho cajiib ah iyaga oo 4-3 ku garaacay kooxda macalin Klopp.

Klopp ayaa sheegay in Bournemouth ay gaartay guul ay u qalantay, wuxuuna intaa ku daray in ciyaartoydiisu ay isdhigteen kadib markii ay hogaanka ku qabteen 3-1.

jurgen klopp first game at liverpool against tottenham 2

“Aad ayaanu u gaabinaynay kubbad dhiibistayada, waxaanu kubbada haysanaynay waqti dheer, kadib xili danbe ayaanu kubbada bixinaynay, sidaa daraadeed, ciyaartoyga baaska bixinayay cadaadis ayuu ku hoos jiray. Wax kastaaba way isbadaleen, kaliya ma aha in ay wiilashu doonayeen, sababtoo ah waxaa yara luntay diirad saaridii”.

Laakiin wali ilaa qaybtii danbe waxaanu lahayn 2:0, waxaana iska cadayd in wax dhici karaan. Dabcan rekoodhuhu ciyaarta ayuu badalay, waxaanu dhalinay goolka saddexaad, laakiin markale ayay si deg deg ah u dhacday. Waxaanu furnay alabaabka, laakiin waxay ahayd in Bournemouth ay orodo wayna sameeyeen, dabcan anigu natiijada kuma faraxsani”.

“Kaliya waa kulan 3-dhibic ah, suurogal ma ahan inaad horyaalka qaado ama aad ka harto bisha December, waxaan u baahanahay oo kaliya inaan sifiican u adeegsano tayadeena”.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.