Gareth Bale oo mindida loo qaadan doono muddo dheerna maqnaanaya

by Bahda Xiiso Online | Friday, Nov 25, 2016 | 350 views

Weeraryahanka Real Madrid ee Gareth Bale ayaa lagu samayn doonaa qalliin kuraanta ah kaddib markii sawirro laga qaaday ay muujiyeen in waxyeello weyn ka qabo, dhaawac gaadhay ciyaartii Sporting CP ee tartanka Champions League.

Bale ayaa garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan afar bilood ah, iyadoo mindida loo qaadan doono maalinta Salaasada oo lagu qali doono cusbitaal ku yaalla magaalada London.

Kuraanta ayaa sida ay sawirradu caddeeyeen ka dhaqaaqday halkeedii, waxaana uu jiifi doonaa wakhti ay aad ugu baahan tahay kooxdiisa iyo xulka qaranka Wales, iyadoo kulamada ugu muhiimsan ee la ogyahayna ay noqon doonaan ciyaarta El Clasico ee 3 December iyo kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka ee waddanka Wales muhiimka u ah March 24.

Bale ayaa kooxdiisa Real Madrid waxa uu xili ciyaareedkan u saftay 16 ciyaarood oo wakhtigoodu u dhigmayo 1,311 daqiiqadood, waxaana uu u dhaliyey 7 gool iyo saddex uu caawiye ka ahaa. Waxa kale oo uu sameeyey 22 fursadood oo gool noqday ama ku dhowaaday. 11 ka mid ah ciyaarahaasi waxay ahaayeen horyaalka La Liga.

Kulamada kale ee uu seegi doono wax aka mid ah ciyaarta Borussia Dortmund eee go’aamin doonta kooxda kaalinta koowaad kaga soo baxaysa Group F oo toddobaadka Barcelona ay wada ciyaaraan ku muddaysan.

Bale oo ay da’diisu tahay 27 jir, waxa uu ku biiray Real Madrid sannadkii 2013, dhowaan ayuu saxeexay heshiis cusub oo uu kula joogayo Madrid illaa laga gaadhayo sannadka 2022, uuna mushahar ku qaadan doono £350,000 toddobaad kasta iyadoo aan cashuurna laga jaraynin.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.