Dib u jalleecid: taariikhda halyeey Steven Gerard oo ciyaaraha ka fadhiistay

by Bahda Xiiso Online | Friday, Nov 25, 2016 | 340 views

Kabtankii hore ee kooxda kubadda cagta Liverpool iyo xulka qaranka England ee Steven Gerrard ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta, iyadoo ay da’diisu tahay 36 jir.

Steven Gerrard oo dhowaan shaaciyey in uu ka tegay kooxda LA Galaxy oo uu ku biiray markii uu Liverpool ka tegay, ayaa farriin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyey in uu si rasmi ah u tiiriyey kabadaha kubadda cagta oo uu xidhnaa intii cimrigiisu jirayba.

Inkasta oo ay jiraan warar laysla dhex marayey maalmihii u dambeeyey oo ahaa in uu tababare u noqonayo kooxda heerka labaad ee Ingiriiska KA ciyaarta ee MK Dons, haddana Gerrard oo muddo 18 sannadood ah ka mid ahaa xiddigaha dunida ugu fiican, waxa uu sheegay in toddobaadyo ay warbaahintu tebinaysay warar muhmal ah oo la xidhiidha xirfaddiisa iyo mustaqbalkiisa in uu go’aansaday in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta.

Ka sokow, warar muhmal ah oo ku dhex wareegayey warbaahinta oo la xidhiidha mustaqbalkayg, waxaan xaqiijinayaa inaan ka fadhiistay ciyaarista kubadda cagta. Waxa aan ku soo qaatay wakhti cajiib ah, waxaanan u mahadcelinayaa cid kasta oo i gacan qabatay wakhtigaygii Liverpool, England iyo LA Galaxy.” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi Steven Gerrard.

Qoraalka Gerrard oo aad u dheeraa, waxa kale oo uu ku yidhi: “Markii aan kurayga ahaa, waxa aan buuxiyey riyadaydii carruurnimo ee ahayd in aan xidho shaadhka case e Liverpool markii aan kulankaygii u horreeyey u saftay November 1998 ciyaar aanu la yeelanay Blackburn Rovers, mana qiyaasi karo waxyaabihii ka dambeeyey ee 18-kii sannadood ee xigay.

“Waxaan dareemayaa in aan nasiib ku lahaa waxyaabo badan oo wanaagsan oo aan la kulmay intii aan ciyaaraha ku jiray. Waxaan ku faraxsanahay in aan Liverpool u ciyaaray in ka badan 700 kulan oo intooda badan aan Kabtan u ahaa, aanan u ciyaaray anigoo ka caawinaya kooxda inay dib ugu soo ceshato koobabkii garoonka Anfield, ana jirin habeen ka wanaagsanaa Istanbul (Guushii champions league ee AC Milan ay ku garaaceen).

Guushii koobka FA Cup 2006

“Ciyaaraha xulka, sharaf ayey ii tahay in aan u ciyaaray 114 ciyaarood iyo in laygu sharfay inaan waddankayga kabtan u noqdo. Mar kasta oo aan shaadhka England arko, sharaf weyn ayaan dareemi doonaa.

“Waxa aan dareemayaa in aan nasiib badan ku lahaa waxyaabaha aan qabtay, laakiin midkoodna ma suurto galeen haddii aanan helin taageerada dad aad u badan.

“Marka ugu horreysa, waxaan u mahad celinayaa qof kasta oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Liverpool. Farxad ayey ii ahayd inaan u ciyaaray oo aan kabtan u noqday Liverpool sannado badan iyo in aanu gaadhnay guulo wakhtigii aanu wada joognay. Nasiib ayaan ku lahaa in aan ka garab ciyaaray ciyaartooyo waaweyn iyo tababareyaal wanaagsan wakhtigaygii Anfield, dhamaantoodna waan umahad-celinayaa iyo sidoo kale shaqaale hoosaadkii ku sugnaa intii aan joogay oo itusin jiray taageero layaab leh.”

Xiddigan guulaha badan ee koobabku ku yaryihiin gaadhay, cimrigiisii wanaagsanaana ku dhamaystay Liverpool, waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyey Steve Heighway, Dave Shannon iyo Hugh McAuley oo sabab u ahaa in uu Liverpool ka mid noqdo carruurnimadiisii, markii dambena siiyey fursad uu dunida isku baro. Waxa kale oo uu u mahad-celiyey taageereyaasha kooxaha Liverpool, xulka qaranka England iyo LA Galaxy oo uu tilmaamay in ay mar walba garab taagnaayeen.

Wakiilkiisa Struan Marshal ayuu si gaar ah ugu mahadceliyey, kaas oo garab taagnaa muddadii 18-ka sannadood ahayd ee uu ciyaartoyga layaqaano ahaa.

Ugu dambayntii, waxa uu u mahadceliyey qoyskiisa, oo ay ugu horreyso hooyadii, aabbihii, walaalkii Paul oo si hagar la’aan ah u garab istaagay, xaaskiisa Alex iyo saddexdiisa carruurta ah ee Lily, Lexie iyo Lourdes.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.