Dowladda Spain oo dooneysa in xabsi labo sano ah ku xukunto Neymar

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Nov 23, 2016 | 465 views

Ciyaaryahanka reer Brasil islamarkaana u ciyaara kooxda spanishka ee Barcelona, Neymar ayaa waxaa ay dowladda dalkaasi Spain waxa ay dooneysaa in ay ku xukunto labo sano oo xarig ah kaas oo la xiriira wax isdabamarin la xiriirta markii uu usoo wareegayay kooxda Barcelona.

Madaxa kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu iyo kii ka horreeyayba, Sandro Rosell ayaa labaduna waxaa looga yeeray maxkamadda, waxaana ay qeyb ka yihiin dacwallada loo haysto Naymar maadaama xilligii xiddigaasi lala soo wareegayay ay jago ka hayeen kooxda Barcelona.

Shirka kala iibisa ciyaartoda pp lagu magacaabo DIS kana howlgasha dalka Brasil ayaa dacwaddan ku furtay ciyaaryahan Naymar, waxaana ay shirkaddasi ku andocooneynaa in looga baxay heshiis lacageed, lana siiyay wax ka yar wixii ay ku heshiiyeen.

neymar-jail-two-years-jail

DIS ayaa sheegtay in ay xaq u laheyd boqolkiiba afartan 40% lacagtii Barcelona kagala wareegtay Maymar kooxda Santos ee dalkaasi Brasil sanadkii 2013, balse waxaa la siiyay lacag ka yar tii ay xaqa u laheyd.

Naymar ayaa dhowr jeer oo hore lacago ku bixiyay in uu damiyo dacwaddan, balse dowladda dalka Spain ayaa gaashaan u daruurtay.

Barcelona ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in ay kula soo wareegtay xiddigga Naymar lacag dhan 57,1 millioner euro.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.