VIDEO: Ex Xildhibaan Saalax Badbaado oo isku qarxiyay Muqdisho wuxuu kasoo jeedaa Somaliland, dardaarankan ayuuna bixiyay

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jul 27, 2016 | 29222 views

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ex- Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka mid ahaan jiray  xildhibaanadii baarlamaanka KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay aga-gaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

Ka hor inta uu is qarxin Saalax Badbaado ayuu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo cod laga duubay isagoo dar-daaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab.

Xildhibaan Saalax Nuur Ismaaciil oo ku magac dheer Badbaado ayaa ka soo jeeday Hargeysa  Somaliland, Fariin cod ah oo laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka oo ay baahisay Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayuu Saalax Badbaadow kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedada uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo xoogaga Al-Shabaab.

DAAWO VIDEO-GA BADBAADO OO HADLAYA
Xildhibaan Saalax Badbaado oo isku qarxiyay Muqdisho iyo dardaarankiisii

Shacabka ka soo jeeda  Somaliland oo isagu uu degaan ahaan ka soo jeedo ayuu ugu baaqay iney taageeraan Al-shabaab ayna isku xukumaan shareecada Islaamka.

Ex-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG ee dowladii Shiikh Shariif ayaa sanadkii 2010 u goostay Al-shabaab tan iyo xiligaasna meel fagaare ah laguma arag.

Waa markii ugu horeysay shaqsi ka tirsanaan jiray baarlamaanka Soomaaliya uu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo magaalada Muqdisho.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.