VIDEO: Asma Love oo hees murugo leh uga jawaabtey guurkii Ninkeeda Furinle iyo Nimca Dareen

by Bahda Xiiso Online | Wednesday, Jul 13, 2016 | 25709 views

Fanaanada Asma Love ayaa hees dadka badankiis ay uqaateen Sarbeeb waxay usoo qaaday Seygeeda Axmed Furinle oo warar la isla dhexmarayey Maalmahan dambe ay sheegayeen inuu la aqal galay Fanaanada Nimco Dareen.

Heestaan ay iminka soo qaaddey Asma Love ayaa la magac baxday (CALOOL SAMI) waxaana ay tahay Calaacal dib ugocasho iyo nolol hore oo macaan oo horey loosoo qaatay oo hadda la waayey.

DAAWO HEESTA ASMA LOVE EE QIIRADA LEH
guurka nimca dareen iyo furinle 1

Baraha Bulshada ayaa aad looga hadlayey isbuucaan arrinta guurka Axmed Weli Furinle iyo Nimco Dareen oo warbaahinta badankeed ay daabaceen in ay is guursadeen, walloow isku day badan oo Xiiso Online ay sameysay ay ku heshay dad badan oo labada fanaan ku dhow oo arrintan beeninaya, halka qaar kalena qirayaan, labada la sheegay in ay is guursadeenna midkood jawaab cad lagama helin.

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.