Daawo sidey isku fara saareen ilaalada Erdogan iyo kuwa Obama, Erdogan oo la takooray iyo caro uu uga soo laabtey aaskii Maxamed Kalaay

by Bahda Xiiso Online | Saturday, Jun 11, 2016 | 22996 views

Wararka soo ifbaxaya ee ku aaddan booqashadii madaxweynaha Turkiga ee ka qeyb galka aaska feeryahanka Maxamed Cali Klay ayaa sheegaya in uu kusoo dhamaatay fashil kaddib markii dhowr waxyaalood oo “xadgudub” ah isbiirsadeen.

Ilaalada khaaska ah ee madaxweynaha Mareykanka ee loo yaqaan Secret Service iyo kuwa madaxweynaha Turkiga ayaa isku farasaaray goobta tacsida ee Maxamed Cali Klay, waxaana taas xigay madaxweynaha Turkiga oo laga saaray liiska dadkii ka hadli lahaa goobta tacsida.

Ilaalada Mareykanka ee Secret Service ayaa iyaga waxaa loo xilsaaraa sugidda ammaanka madaxda timaada dalka Mareykanka.

Waxaa sidoo kale microfanka loo diiday wadaad weyn oo duco ka akhrin rabay munaasabadda kaas oo qeyb ka ahaa wafdiga madaxweynaha Turkiga ee Erdogan.

Arrimahaas is biirsaday awgeed madaxweynaha dalka Turkiga ayaa kasoo carooday munaasabadda duugta, isagoona isaga soo tagay Mareykanka habeenkii Jimcaha soo galayay ka hor inta aan la aasin marxuum Maxamed Cali Kalaay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

Ilaada Erdogan iyo kuwa Obama oo isku dhacey iyo Erdogan oo ka caroodey

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.