Umayma waa Gabar Soomaaliyeed waxa ayna guur 30 maalmood ku dhamaadey dhaxal uga heshay 67 Milyan (Video iyo qiso yaab badan)

by Bahda Xiiso Online | Thursday, May 12, 2016 | 28426 views

Baraha bulshada iyo wargeysyada Carabta qaar ayaa si weyn u hadal haya haweeney Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo gaabiyay Ummayma, in ay muddo 30 maalmood ah guur ku dhamaadey ay ku dhaxashey adduun lacageed oo ah 67,000,000 Saudi Riyal (Lixdan iyo toddobo Milyan oo Riyaal) taasoo u dhiganta 17,866,429,04 Dollar (Toban iyo toddobo Milyan, siddeed boqol lixdan iyo lix kun iyo afar boqol labaatan iyo sagaal Doolar).

Qisadan oo yaab badan dhalisay ayaa ku bilaabatey, in Ummayma ay muddo bil ka hor ah si qarsoon u guursatey (khudbasiro) Nin taajir Sacuudiyaan ah oo aan magaciisa la shaacin, kaasoo sida warbaahintu sheegeen da’ aad u weyn jiray.

Hasayeeshee 30 maalmood uun kadib markii meherkoodu dhacey, waxaa wadno xanuun degdeg ah oo kusoo boodey awgiis u dhintay Ninkii maalqabeenka ahaa, waxaana soo shaac baxdey in Ummayma ay aheyd xaaskiisa qarsoon, taasoo dhaxal-siisay hantidaan faraha badan, Xiiso Online waxey kasoo xigatay warkan shabakadda Carbeed ee Elyomnews (Halkan ka akhriso isagoo carabi ah)

Qoyska marxuumka ayaa markii hore ka biyo diiday arrintan, ayagoo maxkamadda geeyay kiis ah in aaney wax xaas ah ku ogeyn odeyga qoyskooda ka baxey, balse nasiib wanaag Umayma waxaa u marqaati furay Ninka geeriyooday walaalkiis la dhashay iyo weliba saaxiibkiis oo labadooduba marqaati ka ahaa meherkii maalqabeenka mowtku helay iyo Umayma.

DAAWO MILYANEER UMAYMA IYO CODSIYADA GUUR DALBASHADA

ummayma somali millionaire girl ummayma

Waxa ayna kama danbeys maxakamaddii xukuntay in Umayma ay hantida marxuumka gebi ahaanteedba iyadu dhaxal u yeelatay, 17-kan Milyan ee doollar ayaa ka dhigaya Umayma mid ka mid ah haweenka ugu taajirsan dunida Muslimka ah, su’aal la’aanna waxey noqoneysaa haweeneyda Soomaaliyeed ee ugu taajirsan inta la ogyahay.

Arrinta ugu layaabka badan ayaase noqotey markii warkani soo shaac baxey in kumanaan kun oo dhallinyaro carbeed ah ay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaallo farriin ah oo ay Umayma uga codsanayaan in ay guursato, iyadoo mid walbaahiba soo duubay Video oranaya “Umayma ma i guursaneysaa”

xiiso online logo hoos
Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.